Notice of Nondiscrimination: Somali
Takoorku waa Sharci Darro
Sawtooth Mountain Clinic (SMC) waxay ku dhaqantaa shuruucda xuquuqda madaniga Fadaraalka ee khuseeya mana samayso takoor ku salaysan qoomiyad, midab, qofku waddanka uu ka soo jeedo, da’, naafonimo, ama jinsi (ama jinsiga, oo uu ay ku jiraan sifooyinka jinsiga, oo ay ku jiraan astaamaha jinsiyada badan; uurka ama xaaladaha la xiriira; doorashada jinsiga; aqoonsiga jinsiga, iyo qalad ka aaminsanaanta jinsiga
Sawtooth Mountain Clinic dadka kuma kala takoorto qoomiyad, midab, waddanka qofku ka soo jeedo, da’, naafonimo, ama jinsi.
Sawtooth Mountain Clinic:
Waxay siisaa dadka naafada ah wax-ka-baddalo macquul ah iyo qalab caawinaad iyo adeegyo bilaash ah oo ku habboon si ay si wax-ku-ool ah noogula xiriiraan, sida:
- Tarjumaano luuqadda dadka maqalka la’ oo muctarif ah
- Macluumaad u qoran qaabab kale (far waawayn, cod, qaabab elektaroonig ah oo la adeegsan karo, qaabab kale).
Siiya adeegyo kaalmada luuqadda ah oo bilaash ah dadka luuqaddooda koowaad aysan ahayn Ingiriisi, oo ay ku jiri karaan:
- Tarjumaano muctarif ah
- Macluumaad ku qoran luuqado kale.
Haddaad u baahan tahay wax-ka-baddalo macquul ah, qalab caawinaad iyo adeegyo oo habboon, adeegyo kaalmada luuqadda ah, la xiriir frontdesk@sawtoothmountainclinic.org.
Haddaad rumaysan tahay in Sawtooth Mountain Clinic ay ku fashilantay inay ku siiso adeegyadan ama si kale kuu takoortay iyadoo ka duulaysa qoomiyad, midab, waddanka aad ka soo jeedo, da’, naafonimo, ama jinsi, waxaad u gudbin kartaa ashkato: SMC’s Patient Access Manager, 513 5th Avenue West, Grand Marais, MN 55604, 218-387-2330, frontdesk@sawtoothmountainclinic.org Waxaad ku gudbin kartaa ashkato si fool ka fool ah ama boostada, fakas, ama iimeyl ahaan. Haddaad u baahan tahay caawimo gudbinta ashkato, SMC’s Patient Access Manager ayaa diyaar u ah inuu ku caawiyo.
Waxaad sidoo kale u gudbin kartaa cabasho Waaxda Adeegyada Caafimaadka iyo Aadanaha ee Maraykanka, Xafiiska Xuquuqda Madaniga, adigoo si elektaroonig ah u marinaya Boortalka Cabashada Xuquuqda Madaniga https://ocrportal.hhs.gov/ocr/portal/lobby.jsf, ama adigoo adeegsanaya boostada ama taleefanka ah:
U.S. Department of Health and Human Services
200 Independence Avenue, SW
Room 509F, HHH Building Washington, D.C. 20201
1-800-368-1019, 800-537-7697 (TDD)
Foomamka cabashada waxa laga heli karaa http://www.hhs.gov/ocr/office/file/index.html.
